HomeAll newsDiyaarad Dagaal Oo Ku Burburtay Waqooyi Bari Dalka Iiraan

Diyaarad Dagaal Oo Ku Burburtay Waqooyi Bari Dalka Iiraan

Warbaahinta Iiraan ayaa shaacisay in subaxnimadii maanta diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee xukuumadda shiicada ah eeTehraan ay ku burburtay qeybo ka mid ah waqooyi bari dalkaas.

Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in diyaaradda F-5 ay daqiiqado ka hor inta aysan burburin ka duushay garoonka caalamiga ah ee magaalada Tabriz, iyadoona ku dhacday meel aan sidaas uga fogeyn garoonka.

Sida uu ku waramay mid ka mid ah dadka deegaanka diyaaradda ayaa ku dhul dhacday dhismaha iskuul ku yaalla xaafadda magaalada Tabriz, waxaana ku dhintay duuliyihii diyaaradda, kaaliyihiisii iyo ruux kale oo dadka deegaanka ah.

Dowladda Shiicada ah ee Iiraan weli ma shaacin sababta keentay in diyaaraddu ay ku dhacdo magaalada iyo faah faahinta ku aadan qaabka uu u dhacay shilkan khasaaraha geestay.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular