HomeAll newsSarkaal Muqdisho Lagu Dilay Iyo Weerar Ka Dhacay NFD

Sarkaal Muqdisho Lagu Dilay Iyo Weerar Ka Dhacay NFD

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa saakay ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu dilay sarkaal ka tirsan dowladda Federalka.

Howgalka oo ahaa mid abaabulan ayaa si gaar ah kaga dhacay suuqa weyn ee degamda Wadajir ee gobalka Banaadir, iyadoo rag hubeysan oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaarijiyeen Cali Gaab oo ka mid ahaa wasaarada gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale ciidamo aad u qalabeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar xooggan waxay ku qaadeen askar ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugan gobalka Gaarisa ee dhulka NFD ay xoogga ku heysato dowladda Kenya.

Dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuuyadiisa laga duwan ayaa waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen saldhig ay ciidanka Keyna ka sameesteen magaalada Amuume oo ka tirsan gobalka Gaarisa. waxaana jira khasaare soo gaaray askarta Keenyaatiga ah ee xalay weerarka la kulmay.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular