Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar nafhurnimo ah oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo uu fuliyay dagaal yahan ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab aya waxay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo lagu beegsaday goob ay isku yimaadeen saraakiil farabadan oo kawada tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Hiirshabelle.
Goobta la weeraray oo ku dhow xarunta maamulka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in halkaas uu ka dhashay khasaare lixaadleh oo soo gaaray saraakiil iyo xubno kale oo ku sugnaa goobta xiligii ay camaliyaddu dhaceysay.
Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 20 ruux ayaa dhimatay tiro intaas ka badana waa ay dhaawacmeen waxaana ka mid ah saraakiisha ku dhimatay weerarka:
1- Cabdi Rashiid Sheekh Cali oo ahaa gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan.
2- C/Raxmaan Keynaan oo isna ahaa gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulka Beledweyne.
3- Aadan Cabdi Faarax Kaladire, oo ahaa xildhibaan ka tirsan maamulka HiirShabelle.
4-Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka ee magaalada Baladweyne oo magaciisa lagu soo koobay Aboor.
5- Iyo Foodcadde oo ahaa agaasime ka tirsanaa maamulka gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay camaliyadda oo aheyd mid culus tobanaan kale oo ka tirsanaa DF iyo maamulka Hiirshabelle waxaana ka mid ah nin lagu magacaabo Dabagaab oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Amniga ee Baladweyne iyo C/Raxmaan Diini oo ahaa gudoomiye ku xigeenka maaliyada ee Baladweyne.
Camaliyadan oo aheyd midii ugu xooganeyd ee waayahan dhacayda magaalada Baladweyne ayaa kusoo aadaysa xili magaaladu ay isu diyaarinayso maalinta berito ah, inay ka bilaabato doorashada Golaha Barlamaanka Federaalka.