Wararka ka imaanaya gudaha Kenya iyo dhulka Soomaaliyeed ee NFD ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay silsilado qaraxyo ah iyo weerar dhabba-gal ah ka fuliyeen halkaas.
Qaraxyadaan iyo weerarka oo ahaa kuwa culus ayaa waxay ka kala dheceen gobalka Lamu iyo Gaarisa oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumeysiga Kenya, waxaana ka dhashay khasaare culus oo lagaarsiiyay Keenyaatiga.
Kolonyo ciidamo Keenyaati ah oo ka soo baxay deegaanka Milimani kuna sii jeeday deegaanka Mangay ee gobalka Laamuu ayaa waxaa lala beegsaday weerar isugu jira kamiin iyo qarax.
Qaraxa ayaa waxa uu haleelay gaari Cabdi-Bile ah oo ay wateen ciidamada Kenya, waxaana lagu soo waramayaa in gabi ahaanba uu gaariga halkaas ku bur buray.
Marka laga yimaado bur burka gaariga, waxaa qaraxaasi ku dhinta 15 askari oo katirsan ciidamada Kenya, kuwaas oo dhammaantood ku bas beelay gaarigii lagu qarxiyay.
Gobalka Gaarisa oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee NFD, kuna hoos jira gumeysiga Kenya ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay weerar qarax ah.
Qaraxaan labaad ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ciidamo Keenyaati ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanada Libooya Kenya iyo Ddhamaajaaley ee gobalka Gaarisa.
Sida ay tilmaameyso xogta aan helnay, waxaa qaraxaan lala beegsaday gaari BG-ah, kaas oo ay ka buuxeen ciidamo Keenyaati ah.
Gaariga iyo wixii saarnaa ayaa lagu soo waramayaa inay wada bas beeleen, mana jiro askari ku dhaawacmay ama ka badbaaday qaraxa.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si weyn ugu xooggan labadaan gobal, waxaana ciidadamada Mujaahidiinta ay marar badan halkaan ka fuliyeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, kuwaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.