HomeAll newsMareykanka Oo Shaaciyay Xilliga Laga Cabsi Qabo Inuu Ruushka Weeraro Ukraine

Mareykanka Oo Shaaciyay Xilliga Laga Cabsi Qabo Inuu Ruushka Weeraro Ukraine

Xili xiisadda ka taaga dalka Ukraine ay cirka isku sii shareereyso ayaa dowladda Mareykanka waxay shaaca ka qaaday xiliga loo maleynayo in xukuumadda Moscow ay duulaan ku qaadi doonto dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in duulaanka Ruushka uu dhici karo ka hor 20-ka bishan February.

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin duulaan milateri oo ballaaran inay dhawaan ku qaadaan dalka Ukraine.

Arintaan ayaa imaanaysa xili ay isi soo tareyso dowlahada ugu baaqaya muwaadiniintooda inay ka baxaan dalka Ukraine, waxaana kamid ah Mareykanka, UK, Canada, Norway, Holland, Australia, New Zealand, Finland, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular