Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa tilaamaya in shil khasaaro dhaliyey uu ka dhacay inta u dhexeeysa magaalada Garowe iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo nuuca raaxada ah kana yimid dhinaca magaalada Gaalkacyo, xili ay iska horyimideen.
Sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal shilka ayaa si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo dalcadda Rabaable, ee duleedka magaalada Garowe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Laba ruux oo rag ah ayaa ku dhintay shilka halka nin iyo qof haweeney ahna ay ku dhaawcmeen, waxaana labada ruux ee dhaawacmay la geeyay goobo caafimaad si loola tacaalo xaladooda.
Deegaannda uu ka arimiyo Maamulka Puntland, ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal gaari oo sababa khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.