Cudurka Coronavirus ayaa wali dhibaatooyin ba’an ka geysanaya wadamada Reer-galbeedka, iyadoona boliska New Zealand ay xireen tobannaan ruux oo ka mudaaharaadayay tallaalka caabuqaan.
Ciidamada ayaa xabsiga u tabaaxabay in ka badan 50 ruux, kuwaas oo 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay dibad baxyo xiriir ah ka dhigayay bannaanka dhismaha baarlamaanka, kuwaas oo kasoo horjeeda tallaalka Corona, iyo xannibaadaha adag ee lasoo rogay.
Xukuumadda ayaa doonaysa in dadka ay si xoog ah ku tallaasho, arrintaas oo ay ka biya diidan yihiin bulshada, taas oo dhalisay inay dhacaan dibad baxyo rashada wata.
Azmada Corona ayaa ka taagan wadamada Reer-galbeedka, waxaana dalalkaas kamid ah Canada oo tan iyo 29-kii Janaayo dibad baxyo ka bilawday caasimadda dalkaas ay kusii fideen magaalooyin kale oo waaweyn, kuwaas oo ku yaalla gudaha waddankaas.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.