HomeAll newsMadaxtooyada Magaalada Baraawe Oo Madaafiic Lagu Garaacay.

Madaxtooyada Magaalada Baraawe Oo Madaafiic Lagu Garaacay.

Ciidamada Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay xarunta madaxtooyada magaalada Baraawe, halkaas oo ay ka socotay doorashada xubna kamid ah xillibaannada maamulka Koonfur galbeed ku matali doona baarlamaanka Dowladda federaalka.

Qalqal xoog leh ayaa soo food saaray xubnihii doorashada ku howlanaa ee joogay madaxtooyada Baraawe, waxaana gebi ahaanba istaagay codeynta, iyadoona goobta lagu kala cararay.

Diyaarado hellicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Shisheeyaha ayaa duqeynta kadib waxay ku dul heehaabeyeen hawada magaalada Baraawe, iyagoo ka cabsi qabay in magaalada lagu soo qaado weerar toos ah.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular