HomeAll newsDowladda Hindiya Oo Meel Marisay Qaraaraad Iyo Go’aanno Ka Dhan Ah Haweenka...

Dowladda Hindiya Oo Meel Marisay Qaraaraad Iyo Go’aanno Ka Dhan Ah Haweenka Muslimaadka.

Hindiya, waxaa kusoo xoogeysanaya gabood fallada iyo tacadiyaadka ka dhanka ah musliminta, gaar ahaan haweenka, iyadoo dowladda wadankaasi ka jirta ay meel marisay qaraaraad iyo go’aanno ka dhan ah haweenka muslimaadka.

Go’aannadii ugu dambeeyay ee kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ee dalka Hindiya ayaa ahaa in haweenka muslimaadka aaney indho sharer iyo xijaab usoo qaadan Karin goobaha waxbarashada.

Go’aankan oo ay markiiba meel mariyeen madaarista wadanka Hindiya, una diideen gabdhaha muslimaadka ah iney qaataan libaaska sharciga ah, ayaa dhaliyay mowjado banaanbaxyo ah oo ruxay koonfurta wadanka Hindiya.

Gobolka Karnataka ee koonfurta dalka Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka soconayay banaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka muslimiinta, iyagoo diidan go’aanka kasoo baxay dowladda Hindiya ee beegsanaya xijaabka haweenka mulimaadka.

Dadka muslimiinta ayaa ku qeyla dhaaminaya halkudhigyo ay ku diidanyihiin qaraarka xukuumadda Muudi oo ah nin mutacsib ah, aadna u neceb Islaamka iyo muslimiinta.

Madaarista qaar ayaa is hortaagay iney fasalladooda galaan gabdhaha muslimaadka ee wata xijaabka sharciga ah, waxayna sheegeen inuu mamnuuc yahay xijaabka, sidaasi darteed loo baahanyahay iney iska soo dhigaan, taasoo ah arin ay ka biyo diideen gabdhaha muslimaadka.

Madaarista qaar ayaa lasoo warinayaa in iyagoo iska ilaalinaya culeesyo ku yimaada xaga waxbarashada ay soo jeediyeen in gabdhaha muslimaadka ee diidan iney dhigaan xijaabka loo sameeyo fasallo ka gaar ah dadka gaalada ah, taasina waxay dad badan u micneeyeen arin lagu takoorayo haweenka muslimaadka.

Saacado kadib markii uu soo baxay qaraarkan lagu diidanyahay xijaabka sharciga ah ee ay qaataan haweenka muslimaadka ee Hindiya, waxay warbaahintu soo bandhigtay muuqaalka gabar muslimad ah oo dhibaato kala kulmeysa dhalinyaro hinduus ah.

Muuqaalka ayaa muujinaya gabadhan muxajada ah oo ay kadaba qeylinayaan dad Hinduus ah, kuwaasoo ku dhawaaqayo erayo gef ku ah gabadha muslimadda ah iyo xijaabkeeda.

Hase ahaatee gabadha muslimadda ayaa dhigtay wacdaro adag, iyadoo iska difaacday xadgudubka uga yimid Hinduuska Lo’da caabuda, waxayna ku dhawaaqeysay kalimaad ay ku difaaceyso Islaamka iyo Xijaabka sharciga ah ee ay wadato.

Kartida iyo hal adeyga ay muujisay gabadha ayaa soo jiitay dad badan oo muslimiin ah oo isticmaala baraha bulshada, kuwaasoo tilmaamaya iney gabadhan halyeeyad tahay, islamarkaana difaacday sharafkeeda iyo sharafka Islaamka.

Dad badan oo muslimiin ah ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xilliga dowladad Hindiya ay sidan u dhibateyno muslimiinta ay muwaadiniinteedu isaga kala gooshayaan wadamada caalamak Islaamka, iyadoo aaney jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmaan.

Deganaansho oo keliya kuma heystaane, waxay wadamada muslimiinta dhexdooda ku sameeyaan cibaadaadka Lo’ caabudka iyo dhaqannada diineed ee u gaarka ah, xarumo iyaga u gaar ah ayaana ka furan wadamo uu kamid yahay dalka Imaaraatka Carabta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular