Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar dhabba-gal ah oo shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Cabdalla-Biroolle ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Kamiinkaan oo ahaa mid culus ayaa waxey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ku socdaalayay halkaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay 4 askari ka tirsan ciidanka Maamulka Jubbaland, waxaana lagu dhaawacay 6 kale, halka lagu gubay gaari Cabdi-Bile ah.
Dhanka kale magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Mujaahidiintu waxey xalay labo qarax la beegsadeen fariisin ciidanka DF ay ku leeyihiin deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale isla xalay waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin qarax Sedaxaad la beegsadeen askar ka tirsan ciidanka DF oo ku sugnaa Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxey dardar gelisay howlgaladeeda ka dhanka ah askarta shisheeye iyo kuwa DF kuwaas oo si xariir ah kaga dhaca goballada dalka Soomaaliya.