HomeAll newsQaraxyo Ciidamada Kenya Lagula beegsaday Kambooni.

Qaraxyo Ciidamada Kenya Lagula beegsaday Kambooni.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa tilmaamaya in qaraxyo maanta deegaanno katirsan gobolkaas lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa Kenya.

Kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo marayay deegaanka Kambooni, una socday iney biyo soo dhaansadaan ayaa waxaa lagu beegsaday qarax culus. Qaraxa waxaa lagu gubay gaari nooca kooyalka ah.

Isla goobta waxaa qarax kale lagula beegsadya kolonyo kale oo Kenyaati ah oo lugeyneysay, waxaana qaraxaas ku dhaawacay 5 askari oo katirsan ciidamada Kenya.

Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa had iyo goor la kulma weeraro kamaa’in iyo qaraxyo ah, marka ay isku dayaan iney sameeyaan dhaq-dhaqaaqyo milliteri ama iney biyo soo dhaansadaan ama iney sahay isku gudbiyaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular