HomeAll newsMadaxweynihii Hore Ee Dalka Maali Oo Ku Geeriyooday Gudaha Waddankaas.

Madaxweynihii Hore Ee Dalka Maali Oo Ku Geeriyooday Gudaha Waddankaas.

Madaxweynihii hore ee dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa ku geeriyooday da’da 77-sano, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse oo soo xiganeysa qoyskiisa.

Xubin ka tirsan qoyska madaxweynahii hore ee Maali ayaa wakaaladda u sheegay in Keita uu saaka ku dhintay gurigiisa, isagoo aan faahfaahin ka bixin sababta ka danbeeysa dhimashadiisa.

Sidoo kale tiro ka mid ah qoyska madaxweynihii hore ayaa xaqiijiyay jiritaanka geerida ninkaan, kuwaas oo ay soo xigteen warbaahino kala duwan oo caalami ah.

Keita waxa uu soo noqday Madaxweynaha dalka Mali laga soo bilaabo Sebtembar 2013 ilaa Ogosto 2020 markaas oo lagu qasbay in uu xafiiska ka tago afganbi lagu sameeyay aawgiis.

Xilka Madaxtixinimada ka hor, ninkaan waxa uu soo qabtay jagooyinka Ra’iisul Wasaaraha (February 1994- illaa 2000) iyo Madaxweynaha Golaha Shacbiga (Sebtember 2002- illaa 2007), waxaana lagu tiriyaa in uu yahay nin aad ugu dhow shisheeyaha dalka Maali duulaanka ku jooga gaar ahaan dowladda Fansiiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular