Ila wareedyo Amni oo ku sugan dalka Ciraaq ayaa soo sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay illaa 3 Gantaan ah lagu garaacay Saldhigga ciidama Turkiga ee Zalikan kaas oo ku yaalla Wowooyiga magaalada Muusil ee dalka Ciraaq.
Ila wareedyadaan ayaa waxay sheegeen in Saldhigga ciidama Turkiga ee Zalikan lala beegsaday 2 gantaal oo nuuca Kateyosha ah, halka kii sadaxaadna uu hawada ku qarxay ka hor inta uusan soo gaarin Saldhigga.
Waxay tilmaameen in gantaallada laga soo ganay deegaanno ku yaalla gobalka Neynawa ee dalka Ciraaq, iyagoona sheegay in aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidamada Turkida ah ee ku sugnaa Sandhigga xilligii la duqeynayay.
Muddo tobaad guduhiis ah ayuu Saldhiggaan marti galinayaan weeraro Sawaariikh loo adeegsaday, waxaana tirada ku hoobatay saldhiggaan mudadaas lagu sheegay inay gaarayaan 5-gantaal.
Inta badan Millatariga Turkiga ayaa markii ay la kulmaan weerarada nuucaan ah geysta duqeymo xagga cirka ah, kuwaas oo ay ku beegsanayaan dadka rayyidka ah, iyagoona xilliyada qaar ciidadamo geeya gobalka Kurdistaan, halkaas oo ay ka fuliyaan tacadiyaad ka dhan bulshada.
Horraan dowladda Ciraaq ayaa xukuumadda Ankara ka codsatay inay joojiso howgallada Millatari ee ay ka samayneyso gudaha dalkeeda, hasa yeeshee dowladda Turkiga ayaanan dhag jalaq usiinin dalabkaas, iyadoona ku adkeysatay inay sii wado doonto howlgaladeeda Millatari ee waddanka Ciraaq, kuwaas oo ay sheegtay inay ku beegsanayso kooxda PKK oo dagaal adag kula jirta xukuumadda Ankara.