Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray askar Kenyaati ah oo maalintii shalay kasoo baxay degmada Taagaabo ee gobolka Mandheera kuwaasoo uu weerarku qabsaday xilli ay marayeen duleedka degmada.
Dagaal muddo socday ayuu isku badalay weerarka waxaana ugu dambeyntii lagu jabiyay askarta Kenya xilliguna wuxuu ahaa abaaro duhurradii, balse goor ay casarkii tahay ayaa ciidankii Kenya mar kale lagu weeraray meel ay ku nasanayeen oo isla duleedka degmada Taagaabo ah halkaasoo uu ka dhacay dagaal xooggan.
Wax ay xabbaddu socotaba waxaa ciidanka Kenya lagala wareegay goobtii dagaalka iyagoo ka cararay 12 gaadiid ah oo ay wateen uuna kamid yahay gaari Kooyal ah oo uu ku rakiban yahay qori dhashiiko ah iyo Saanad milatari oo fara badan oo ay ku jiraan daawooyin, raashin iyo agabyo kale.
Lama xaqiijin inta uu la eg yahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee gaaray Kenyaatiga, waxaase goobta lagu arkay dhiig iyo calaamado badan oo muujinaya inuu gaaray khasaare xooggan.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka hawl gala gudhaa Kenya ayaa aad usii laba jibaaray weeraradooda ka dhanka ah dowladda Kenya, taasoo gumeysi ku heysata muslimiin badan oo ay kamid yihiin kuwa xeebaha iyo kuwa Soomaaliyeed.