Saylac waa magaalo xeebeed taariikhi ah oo ku taala waqooyi-bari Gobolka Awdal, waxayna aad ugu dhowdahay wadanka Jabuuti oo u jirtaa ilaa 120 km. Magaalada Seylac oo ah mid qadiimi ah oo aad u taariikh dheer ayaa loo aqoonsan yahay ineey jirtey tan iyo wakhti ka horeeysay soo bixitaanka diinta Islaamka, midaasi oo ah goobaha ugu taariikhda dheer qaarada Afrika, iyada oo ay ku yaalaan meelo fara badan oo taariikhi ah hase yeeshee ka turjumaaya taariikhda geeska Afrika gaar ahaan tan Soomaalida.
Badhtamihii qarnigii 9aad ayaa maagaalada Seylac waxay aasaas iyo saldhig u noqotey biloowgii Boqortooyadii Islaamiga ahayd ee Cadal, midaasi oo ka talin jirtey deegaanadaas mudo qarniyo ah ilaa laga soo gaadhayay qarnigii 14aad markii ay gaartay meesha ugu sareeysay ee deegaanada geeska Afrika. Wakhtiyadii ku xigay waxaa caasimada qadiimiga ah la wareegay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo xukumayay tan iyo goortii ay kala wareegtay Boqortooyada.
Itoobiya ayaa mar walba dooneysay iney qabsato Zeylac laakin muslimiinta ayaa ka difaacayay, waxayse hadda aragtaa sida ay iska dhaadhicisay fursad ay ku hanan karto maadaama maamulka Somaliland iyo kuwa kale ee ka jira Soomaaliya ayba iyada u taliso marka laga reebo xogaga jihaadiyiinta ah ee dagaalka kula jira ee Al-Shabaab.
Halkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa warbixin ku saabsan damaca Itoobiya iyo waxyaabaha gadaal ka riixaya.