HomeAll newsKu Dhawaad 500 Oo Askari Oo American Ah Oo Is Dilay Sannadkii...

Ku Dhawaad 500 Oo Askari Oo American Ah Oo Is Dilay Sannadkii Tagay Ee 2021-Ka.

Tiro badan oo katirsan shaqaalaha kala duwan ee dowladda Mareykanka ayaa isdilay sannadkii tagay ee 2021-ka, taas oo ka badan marka loo eego tirada shaqaalaha xukuumadda Washington ee u dhintay cudurka Coronavirus, sida ay sheetay wasaaradda difaaca ee dowladda Mareykanka.

Tirakoob sannadle ah oo ay diiwaan galiso wasaaradda difaaca ee dowladda Mareykanka, kaas oo ku aaddan isdilka shaqaalaha xukuumadda ayaa lagu sheegay in ssandkii 2020-ka ay nolosha is dhaafiyeen 580 ruux oo ka shaqeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda Mareykanka.

Waa koror dhan 16 boqolkiiba marka loo eego tirada shaqaalaha Mareykanka ee is dilay sannadkii 2019-ka, taas oo la sheegay in xilligaas la diiwaan galiyay 498 ruux oo noloshooda ka taqallusay, sidaba ku cad tirakoobka wasaaradda.

Warbixinta uu Pentagon-ka diiwan galiyay ee sannadkii lasoo dhaafay ee 2021-ka ayaa muujinaysa in 476 askari oo katirsan ciidamada Mareykanka ay is dileen sannadkii lasoo dhaafay.

Xogtaan ay baahisay wasaaradda difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa timid kadib markii cilmi baaris ay iska kaashadeen Jaamacadaha Brown iyo Boston ay sannadkii tagay ku sheegeen in 30,177 askari oo American ah ay is dileen, kuwaas oo ay ku jiraan askartii ka soo qaybgashay duullaanadii uu 11-kii Sebtember kadib Mareykanku ku qaaday wadamada caalamka islaamka.

Inta badan askartaan is dishay ayaa waxay kasoo laabteen wadamada uu Mareykanku duullaanka ku qaaday wixii ka dambeeyay weeraradii 11-kii Sebtembar, kuwaas oo halkaas laga soo celiyay iyagoo waashay, waxaana ka sokoow inta aysan is dilin qaarkood ay nolosho dhaafiyeen dad American ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular