Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda shir u dhaxeeya gudi uu hogaaminayo Ra’iisulwasaaraha DF oo la baxay gudiga wadatashiga qaranka.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa looga hadlayaa arrimo la xariira doorashada madaxtinimada DF, waxaana ka qeyb galay dhammaan madaxda maamul goboleedyada.
Shirkan ayaa marar badan oo hore u baaqday khilaafka iyo hardanka ka dhaxeeya madaxweynaha DF iyo ra’iisylwasaarihiisa, laakin farriimo ka yimid Mareykanka ayaa lagu cadaadiyay maamul goboleedyadii Farmaajo taageersanaa sida Koofurgalbeed iyo Galmudug, taasoo keentay iney soo xaadiraan.
Shirka ayaa waxaa maanta kusoo biiray ajaanib ka socota waxaloogu yeero (beesha caalamka) kuwaasoo aad loo dhageysanayo hadaladooda.
Lama oga shirkan iyo natiijooyinka kasoo bixi kara maadaama ay ka qeyb galayaan dhinacyo isdiidan.