Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dowladda Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerar shalay ka dhacay gobolka Lamu oo lagu dilay 6 muwaadin oo Kenyaan ah.
Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab oo dhankiisa war rasmi ah kasoo saaray dhacdadaan ayaa sheegay in dagaal yahano askartooda ka tirsan ay fuliyeen weerar lagu dilay 6 qof oo Kenyaati ah oo ka dhacay Windho oo ka tirsan gobolka Lamu.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay xalay weerar qorsheysan ka fuliyeen tuulada Windho oo 28KM u jirta deegaanka Mpeketoni ee gobalka Lamu waxayna halkaas ku dileen 6 ruux oo gaala Kenyaati ah oo uu ku jira guddoomiyihii dowladda saliibiyadda kenya ee tuuladaas” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab.
Dhanka kale saraakiisha dowladda Kenya ee Lamu ayaa qiray in weerarka looga dilay 6 qof laguna gubay gaadiid iyo guryo sida ay sheegeen, weerarkan ayaana kusoo aadaya iyadoo dhawaan 20 askari Kenya looga dilay qaraxyo ka dhacay gobolkaas.