HomeAll newsXillibaanno katirsan Baarlamaanka Masar oo is ku feeray hoolka Shirarka ee Baarlamaanka...

Xillibaanno katirsan Baarlamaanka Masar oo is ku feeray hoolka Shirarka ee Baarlamaanka dalkaas.

220162931634180Baarlamaanka dalka Masar oo aan wax badan ka duwaneyn kan ka jira magaalada Muqdisho marka lo eego dhanka Akhlaaq darada, waxaana dhowr jeer dhacay gacan qaad ka dhexeeya Xillibaanada iyagoo isku buuqa.

Dhawaan ayaa mid kamid ah Xillibaanada baarlamaanka masaarida waxa uu u gacan qaaday xillibaan kale oo lagu magacaabo Towfiiq Cukaasha kaas oo dhawaan gurigiisa ku marti qaaday Safiirka maamulka Yahuuda u fadhiya dalka masar.

Xilibaanka gacan qaadka bilaabay oo lagu magacaabo Kamaal Axmed ayaa kabihiisa u siibtey Xilibaanka kale, isagoona la dhacay, waxaan sawiro la soo qaaday muujinayaan iyadoo la kala qabanayo labada Xillibaan islamarkaana hoolka shirarka laga sii bixinayo.

Xillibaankan dagaalka bilaabay ayaa ka careysan tallaabada uu Towfiiq Cukaasha ku cazuumey Safiirka Yahuudda ee Masar taas oo u muuqato marka laga hadlo Sharciyada Caalamiga ah mid khalad ah in Xilibaan uu si gaar ah u cazuumo Safiir dowladeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular