HomeAll newsCiidanka Al-Shabaab oo La Wareegay Degaan Hoos Taga Dhuusomareeb.

Ciidanka Al-Shabaab oo La Wareegay Degaan Hoos Taga Dhuusomareeb.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in isbadal maamul uu maanta ka dhacay degaanka Gadoon oo hoos taga magaalada Dhuusomareeb halkaasoo Milatariga Xarakada Al-Shabaab ay kala wareegeen ciidanka Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in degaanka ay galeen ciidan aad u qalabeysan wax yar kadib markii ay halkaasi isaga carareen askarta Galmudug oo ka war helay guluf inuu kusoo wajahayn yahay.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa baaritaano ugu dhaqaaqay xarumaha maamulka iyo saldhigyada ciidanka ee degaanka kadib-na saraakiishii hogaamineysay ayaa la hadashay dad weynaha iyagoo u jeediyay hadallo wacdi ah.

Dadka degaanka ayaa soo dhaweeyay ciidankii Al-Shabaab ee gaaray Gadoon oo 35 KM qiyaastii u jirta magaalada Dhuusomareeb, arrintanna waxay kusoo aadeysaa iyadoo ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay si dardar leh u wadaan tallaabooyin ay kula wareegayaan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada qaar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular