HomeAll newsYaa Lala Beegsanayay Qaraxa Ka Dhacay Jowhar?

Yaa Lala Beegsanayay Qaraxa Ka Dhacay Jowhar?

Maanta barqadii waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Sh/dhexe ka dhacay qarax weyn oo lala beegsaday gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa DF.

Gaarigan ayaa waxaa lagaa gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee maamulka Hirshabelle, Axmad Faal, waxaana lala beegsaday qarax sababay inuu burburo gaariga.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo gaariga ma uusan saarnayn gudoomiyaha laakin waxaa saarnaa ilaaladiisa gaarka ah, kuwaasoo u qeybsamay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in qaraxan uu u muuqday mid la doonayay in lagu khaarajiyo gudoomiyaha.

Walwal xooggan ayaa soo wajahay mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Jowhar halkaasoo ay Xarakada Al-Shabaab ka fuliso weeraro kala duwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular