Gobolka Shabeelaha Hoose habeenkii xalay waxaa ka dhacay dagaallo iyo hawlgallo ay fuliyeen ciidamada Milatariga Xarakada Al-Shabaab, waxaana faahfaahin laga helayaa khasaaraha ka dhashay.
Weerarka koowaad oo loo adeegsaday madaafiicda goobta ayaa waxaa lagu garaacay xero ay ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin degmada Awdheegle. Sida aan xogta ku helnay waxay guutada madaafiicda Xarakada Al-Shabaab xeradaasi ku garaacday 31 madfac.
Lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ciidanka DF kasoo gaaray duqeymahan, waxaana jiray teendhooyin gubanayay daqiiqado kadib duqeynta oo qiiqooda laga arkayay xaafadaha degmada Awdheegle.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weeraray isbaaro ciidamada DF u taalla degaanka Yoontooy ee duleedka magaalada Kismaayo. Saraakiisha Jubbaland waa ay ka gaabsadeen iney faahfaahin ka bixiyaan weerarkaas.
Gobolka Bayna waxaa habeenkii xalay ka dhacay dagaal toos ah oo ay ciidamada Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga askarta DF gaar ahaan kuwa Koofurgalbeed, weeerarkan ayaa ka dhacay xaafadda Buulo-Jameeco ee gudaha magaalada Baydhabo.
Dadka ku dhaqan xaafadda Buulo-jameeco ayaa sheegay iney arkayeen ciidamada Mujaahidiinta oo hubkooda wata oo ku socdaalaya wadooyinka, waxaana lasoo warinayaa in ciidankii weerarka lagu qaaday la gaarsiiyay khasaare kala duwan balse ma jiraan ilo faahfaahin ka bixinaya inta uu la eg yahay khasaaraha.
Habeenkii xalay waxaa kale oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerareen saldhigga askarta DF ee magaalada Xudur, halkaasoo ay ku wehlinayeen ciidankaas askarta Xabaashida Itoobiya. Weerarada ay qaadayaan ciidanka Xarakada Mujaahaidiinta Al-Shabaab waa kuwa is daba joog ah oo cadaadis ku haya shisheeyaha iyo DF.