Wararka naga soo gaaraya dalka Indonesia ayaa waxay sheegayaan in saaka waabarigii uu qeybo kamid ah dalkaasi ku dhuftay dhul gariir xooggan.
Dhulgariirka oo uu cabbirkiisu gaarayo 7.3 RS, ayaa ka dhacay waqooyiga jasiiradda Flores ee gobolka Nusa Tenggara ee bariga dalkaas, lamana soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.
Dadka ku nool wadanka Indonesia ayaa aad u argagaxay markii uu dhaxayay dhulgariirka waxaana lasoo bandhigay sawirro muujinaya burbur badan oo uu geystay iyo dil-dillaac badan oo boholo ah oo ka muuqday dhulka.
Dalka Indonesia ayaa kamid ah wadamada ugu badan ee uu ka dhoco dhul gariirka. Indonesia waa wadan ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan marka la eego dalalka, haddana waxaa la sheegaa inuu aad ugu badan yahay fisqiga iyo fasaadka.