Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan MIlatariga Xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen degaano ka tirsan degmada Matabaan ee gobolkaas.
Degaanada oo dhaca meel istaraatiiji ah laguna kala magacaabo Beergadiid iyo Bacda ayaa waxaa isaga cararay ciidankii Hirshabelle kadib markii ay ogaadeen in ay kaabiga kusoo hayaan ciidan guluf ah oo ka tirsan Al-Shabaab Al-Mujaahidiin.
Ciidanka Al-Shabaab ayaa isku fidiyay degaanada waxaana ay si rasmi ah ula wareegeen xarumihii maamulka iyagoona kusoo rogay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Odayaasha dhaqanka iyo bulshada degaanada ayaa waxay kala kulmeen soo dhaweyn diiran, waxaana labada degaan saaka lagu waabariistay jawi nabdoon oo ka duwan sidii hore.
Masaajidda ayaa waxaa laga jeedinayaa muxaadaraad diini ah oo ay dadku aad ugu dhag taagayaan, ma jirto isbaaro, mana jiraan wax canshuuro ah oo dadka laga qaadayo. Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay horumar ka sameynayay gobolada dhexe sida Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.