Iyadoo wali dalka Itoobiya ay ka taagan yihiin colaadaha heerka sare gaaray ee u dhaxeeya dowladda iyo jabhadaha ayna maalin walba guulo kala sheeganayaan ayaa waxay xukuumadda Abiy Axmad sheegtay iney gacanta ku dhigtay wado istaraariiji u ah magaalada Maqalle oo ah xarunta Tigree.
Warbaahinta dowladda Itoobiya oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Milatariga ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigeen wado muhim ah taasoo saameyn ku yeelan karta qowmiyadda Tigree.
Sarkaalka la hadlay warbaahinta EBC ayaa sheegay in ay ciidankoodu cagta dhigeen magaalooyin ay kamid yihiin silsiladda Zoble, Fokiso, Orjo & Booran oo muhiim u ah buu sheegay dagaalka ay kula jiraan Tigreega.
Ilo wareedyo madax bannaan ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanada TPLF ay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay u difaacan lahaayeen waddada muhiimka ah ee isku xirta Maqalle iyo Waldiya laakin ay ku guul darreysteen markii awood ka ballaaran oo isbahaysi ah lasoo saaray wadooyinkaas.
Dhankooda Tigree waxay jeediyeen hadallo hanjabaad ah iyagoo sheegay in ay halbowlayaasha jari doonaan xukuumadda Abiy Axmad. Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay u jihaysteen magaalada Gaashana, mana jirto buu yiri cid naga hor istaagi karta socodkeena isagoo ballan qaaday iney qabsan doonaan dhul hor leh, dagaalkuna uu yahay xeelad.
Guulaha ay kala sheeganayaan Xukuumadda iyo TPLF ayaa waxay ka marqaati kacayaan iney adag tahay in lagu kala adkaado dagaalka ka socda dalka Itoobiya, mana jirto illaa iyo hadda dhinac lasoo afjaray, marka laga reebo khasaaha guud ee ay isku geysteen.