HomeAll newsMareykanka oo Deni Uga Digay Inuu La Dagaalamo Ciidanka PSF.

Mareykanka oo Deni Uga Digay Inuu La Dagaalamo Ciidanka PSF.

 

Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay ismari waaga iyo xiisadda ka dhalatay xil ka qaadista uu hogaamiyaha Puntland ku sameeyay taliyihii ciidanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Maadaama ciidankan ay Mareykanku tababarteen wuxuu Siciid Cabdullaahi Deni muddo todobaadyo ah ku dhici waayay inuu la dagaalamo oo uu dhaqan galiyo amarkiisa ah xil ka qaadista taliyaha.

Haweeneyda ah sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa mudd labo jeer ah la hadashay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo uga digtay inuu dagaal wax ku xalliyo kuna cadaadisay inuu la yimaado xal kale oo uu kaga dabaasho xiisadda taagan, sidaasi waxaa saxaafadda u xaqiijiyay diblomaasi sare oo Mareykan ah oo ku sugan xerada Xalane ee Muqdisho.

“Guud ahaan waxaan ku boorrinaynaa in ciidamada nooc kasta oo ka mid ah Soomaaliya ay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha siyaasadda. Waxaan ku boorrineynaa dhammaan ciidamada ammaanka inay diiradda saaraan la dagaallanka xagjirka ” ayuu yiri dublamaasi sare oo Mareykan ah oo magaciisa qariyay.

Ciidanka PSF oo ay shacabku u yaqaanaan (ashahaado la dirir) ayaa waxaa aas-aastay dowladda Mareykanka si ay ugu fushato ajandayaasheeda la dagaalanka iyo caburinta dadka ahlu diinka ah iyo boobka kheyraadka, waxaana si gaar ah gacanta ugu haya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Maraykanka.

Saraakiisha Ameerikaanka ah ayaa sheegaya in ciidankan ay ku milmeen qabyaaladda iyo siyaasadda islamarkaana ka weecdeen ujeedadii dhabta ahayd ee loo dhisay. Askarta PSF waxay tiradoodu gaareysaa 600-askari waxayna toos uga amar qaataan ciidamada Maraykanka.

PSF, hadda waxay ku sugan yihiin magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaasoo ay ku laabteen markii Deni uu xilka ka qaaday taliyahoodii, walina waxaa magaalada isku hor fadhiya iyaga iyo ciidanka Deni u daacad ah, lamana oga sida ay xiisaddan ku dambeyn doonto.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular