Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah waxay ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, kaasoo ay ku sugnaayeen saraakiil cadaan ah iyo kuwa katirsan ciidamada Burundi.
Madaafiic dhowr ah ayaa ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, balse lagama helin wax faafaafin ah khasaaraha ka dhashey.
Dhinac kale qarax xoogan oo ka dhacay gudaha magaalada Marko waxaa waxyeello lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa ku dhintay qaraxa, sida ay tilmaameyso xogta.