HomeAll newsOday Da' ah Oo ku dhintay God uu ku dhacay oo...

Oday Da’ ah Oo ku dhintay God uu ku dhacay oo ku yaala Hargeysa.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda dhulka Wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee dhulka wuqooyi galbeed Soomaaliya ahna xarunta maamulka Soomaaliland ayaa tilmaamaya in oday da’ ah uu ku dhacay god weyn oo laga qodayay magaalada.

Godkan ayaa waxaa la doonayay in lagu keydiyo shidaal, waxaana qodanayay mid kamid ah shirkadaha ka howlgala magaalada Hargeysa.

Odeyga da’da ah ee ku dhacay godka ayaa waxaa laga soo saaray godka isagoo meyd ah.

Ehellada odeyga geeriyooday ayaa dalbanaya in la siiyo magdhowga ninka ka dhintay, maadaama godka uu ku dhacay ay qodaneysay shirkad weyn oo ku taalla magaalada.

Halkan ka dhagayso Odey Da’ ah oo ku dhintay magaalada Hargeysa

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular