Wararka ka imaanaya magaalada Bujumbuura oo ah caasimadda wadanka Burunid ayaa tilmaamaya in dab weyn uu ka kacay xabsi ku yaala magaaladaas, kaasoo ay ku xirnaayeen dad badan.
Ugu yaraan 38 qof ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dabkan ka kacay xabsiga ku yaala magaalada Bujumbuura, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey 69 ruux.
Xabsiga waxaa la sheegay iney ku xirnaayeen maxaabiis gaareysa inkabadan 1500 oo maxbuus, hase yeeshe keliya loogu talagalay in lagu xiro dad dhan 400 oo maxbuus.
Maxaabiista qaar oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in markii holacu billowday ay ciidamada ka codsadeen in albaabada laga furo, balse ay ciidamada booliisku arinkaas diideen.
” Waan qeylinay markaan aragnay dabka oo holcaya, ciidamada waxay noo diideen iney albaabada naga furaan, waxaan u sheegnay in anagoo nool aan guban doonno” ayuu yiri nin kamid ah maxaabiista soo badbaaday oo warbaahinta la hadlay.
2 Saacadood kadib markii uu dabku qabsaday dhismaha xabsiga ayuu gaarigii ugu horeeyay ee gurmad ah soo gaaray goobta, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan booliiska.
Illaa iyo hadda ma cada sababta rasmiga ah ee keentay in dabkan uu qabsado xabsiga weyn ee magaalada Bujambuura oo ah caasimadda dalka Burundi, wadankan ayaana kamid ah dalalka ay ciidamadooda duulaanka ku joogaan Soomaaliya.