HomeAll newsHowlgallo ka dhacay gobollada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Howlgallo ka dhacay gobollada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

 

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen silsilado howlgallo ah oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo askarta Soomaalida ah ee la shaqeysa.

Hadaan ku hormarno Muqdisho, howlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Hodan waxay Mujaahidiinta ku dileen askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Howlgalka waxa uu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, waxaana ragga dilka geystay ay goobta uga tageen si nabadgeliyo ku dheehantahay.

Shabeellaha Hoose, waxay habeenkii xalay ciidamada Mujaahidiinta silsilado weeraro ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ee Jannaale, Awdheegle iyo Bariire.

Dagaallada ayaa ahaa kuwa culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan, inkastoo tiro cayiman aynaan helin.

Jubbooyinka, deegaanka Hosingow io degmada Afmadow ayay ciidamada Mujaahidiinta waxay ku weerareen ciidamada Shisheeyaha Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular