HomeAll newsOrdogan Oo ka badbaaday Isku day lagu doonayay in Lagu Dilo.

Ordogan Oo ka badbaaday Isku day lagu doonayay in Lagu Dilo.

 

Shabkadda TRT ee ay leedahay dowlaldda Turkiga ayaa baahisay war la xiriira in ciidamada booliiska ee wadankaas ay fashiliyeen isku day lagu doonayay in lagu khaarijiyo madaxweynaha Turkiga Rajab Ordogan.

Qarax miino ayaa lagu diyaariyay goob isku imaatin ah oo uu kusoo wajahnaa madaxweynaha Turkiga, si uu uga jeediyo kalimad uu kaga hadlayo waxqabadka xisbigiisa ee 19kii sano ee lasoo dhaafey.

Miinada ayaa la hoos dhigay gaari nooca raaxada ah oo uu leeyahay mid kamid ah ciidamada booliiska Turkiga, waxaana la qorsheeyay sida muuqata in marka uu Ordogan hadalka billaabo ama uu soo gaaro fagaaraha lagu qarxiyo.

Ciidamada Booliiska Turkiga ayaa qarxiyay miinada, waxaana ay sheegeen iney billaabeen baaritaanno ballaaran oo lagu raadinayo dadka masuulka ka ah isku deygan.

Ordogan wuxuu sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro waxa uu ku tilmaamay “Argagaxisada” mana jirto cid si rasmi ah uu ugu eedayay dhacdadan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular