Soomaali fara badan ayaa dhowr iyo laabtankii sano ee la soo dhaafay tahriib ku gashay wadamada reer galbeedka halka kuwo kalena weli dariiqaas in ay maraan ku haminayaan.
Marka qofka soomaaliga ahu ka tago dalka ee uu gaaro wadamada deriska ah ama kuwa kale ee ka durugsan hay’adaha waxa loogu yeeray qaramada midoobay iyo kuwa kale ee qaabila waxay ka dalbadaan arimo dhowr ah.
Waxaa ka mid ah in qofku yiraahdo “hoog iyo ba’baa igu haystay dalkeygi soomaaliya oo waan ka soo cararay”
Sidoo kale waxaa laga saxiixaa in uu u hogaansamayo dhamaan sharuucda dalka uu tegayo ama doonayo xattaa in uu meleterigiis ka mid noqonayo.
Aqoon yahan maxamed maxamuud oo ka mid ah soomaalida koofur afrika ku nool ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan ku sheegaya in hadda ka hor dad koofur afirkaan ahu soo weeraren soomaalida ku nool dalkaas , ayna uga cawdeen hay’adda UNDP balse xaalkii meel kale loo rogay.