HomeAll newsXaaladda Caafimaad ee Agaasimaha Tv-ga Dowladda Federaalka Oo Halis ah.

Xaaladda Caafimaad ee Agaasimaha Tv-ga Dowladda Federaalka Oo Halis ah.

 

Waxaa aad looga deyrinayaa xaaladda caafimaad masuul katirsan wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda federaalka, kaasoo ku dhaawacmey weerar Nafhurnimo oo habeen hore ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sharmarke Maxamed Warsame oo ah agaasimaha TV-ga Dowladda Federaalka ayaa si xun ugu dhaawacmey qaraxa Istish-haadiyada ahaa, waxaana hadda lagu dabiibayaa isbitaallada magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu aad u gubtay Sharmarke, dhaawaca hadda uu la jiifana ay adagtahay inuu ka kaco, sida ay tilmaamayaan ilo xog ogaal ah.

Sharmarke Maxamed Warsame ayaa la socday Cabdi Casiis Afrika, oo isna ahaa agaasimaha radio Muqdisho sidoo kalena ahaa sarkaal sare oo katirsan PS-ta Dowladda federaalka, waxaana labadooda oo wada socda lala beegsaday weerar Nafhurnimo, taasoo keentay in Afrika uu durba geeriyoodo, halka Sharmarke uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka Cabdi Casiis Afrika, waxayna sheegtay in dilkaas uu aargud u yahay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo uu gacan geliyay Afrika, uuna kamid yahay Xasan Xanafi Xaaji.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular