Kalimad soconaysa qadar 10 Daqiiqo ah ayaa goor dhaw la baahiyay ,waxaana jeedinaya Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raagge.
Mujaahid katirsan Xarakada Alshabaab ayuu Sheekh Cali sheegay inuu bartilmaameedsaday Hotel Syl oo uu sheegay inuu kamid yahay goobaha sharta laga soo abaabulo.
Xiliga Hotelka La weeraray waxaa ku shirayay Wasiiro,Xildhibaani iyo Saraakiil Ciidan.
“Wararka Horu dhaca ah dhimshada waxay ku dhaw dahay afartan dhaawucuna waa 70″ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekha waxa uu la hadlay umadda Soomaaliyeed, waxaana uu usheegay in dalka gumeysi uu ku jiro islamarkaana ilihii dhaqaalaha la boobayo.
“Muslimiinta haka fogaadaan goobaha ay sheegeen in kaararka dadka loogu jarayo, sababtooda ah dhaqaalihiina ayaa lagu boobayaa, waxaana lagu gudbinayaa sirtiina”ayuu yiri Sheekh Cali.
Sheekh Cali ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan hoteelada iyo goobaha ay ku shiraan Dowlada iyo shisheeyaha.
Qeybaha Danbe kalimada waxa uu sheekh Cali usheegay madaxda Dowladda inaysan jirin meel lagu badbaadayo oo aanan ahayn inay towbad keenaan”
“Gaalada asalka waxaan leenahay dhulkeena laguma dhaqi doono waxaanan ahayn kitaabka allaah”ayuu raaciyay Hadalkiisa.