HomeAll newsAl-Shabaab oo Sheegtay Dilka Cabdi Caziiz Afrika oo Lagu Khaarajiyay Hawl Gal...

Al-Shabaab oo Sheegtay Dilka Cabdi Caziiz Afrika oo Lagu Khaarajiyay Hawl Gal Gaar Ah.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay qarax weyn oo lagu beegsaday masuuliyiin katirsan wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka.

Agaasimaha Radio Muqdisho oo ku hadasha afka Dowladda federaalka ninka lagu magacaabo Cabdi Caziiz Afrika ayaa ku dhintay qaraxan culus. Warbaahinta Dowladda federaalka ayaa laga baahiyay warka la xiriira geerida Cabdi Caziiz Afrika.

Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu dhacdadan ka bixiyay faahfaahin dheeri ah iyo ujeedada weerarka, waxaana warka kasoo baxay taliska lagu yiri:

“Mujaahidiintu waxay caawa fiidkii fuliyeen weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho. Weerarkaas oo ahaa camaliyad ishtish-haadi ah ayey la beegsadeen masuuliyiin ka tirsan kooxda ridada Soomaaliya oo uu kamid yahay Murtad lagu magacaabo Cabdi Casiis Afrika”

Taliska ciidanka Al-Shabaab ayaa sheegay in uu in muddo ah ku raad joogay Cabdicasiis Afrika: “Cabdi Casiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah”

Sidoo kale bayaanka ayaa waxaa lagu yiri: “Mujaahidiinta ayaa Ilaahay mahadiis ugu dambeyn caawa soo afjaray nolosha Cabdi Casiis Afrika, waxaana dilkiisu uu aargud u yahay dhamaan raggii Mujaahidiinta ahaa ee uu ka dambeeyay ama ku lug lahaa dilkooda, raggaas oo uu kamid ahaa Allaha shahaadadiisa haka aqbalee Xassan Xanafi Xaaji”

Ugu dambeyntii taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa diray goodis far waaweyn ku qoran yahay wuxuuna yiri:

“Mujaahidiintu waa rag aan aanadooda ilaawin. Waxay mar kale u cadaynayaan cid walba oo cadaw ku ah Islaamka iyo Muslimiinta inaysan sinaba uga baxsan doonin ciqaabta Mujaahidiinta. Cid walba oo af ama adin kula dagaalanta Mujaahidiintana, ha dhawaato ama ha dheeraatee, waxaa jiri doonta maalin ay dhadhamin doonto xanuunka geerida iyo miraha qaraar ee ay beeratay, gacanta dheer ee Mujaahidiintuna ay soo qaban doonto insha-Allaah” ayaa lagu soo gunaanaday warka taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular