
Wararka ka imaanaya deegaanka Kulbiyow ee dhaca Jubbada Hoose ayaa tilmaamaya in weerar kamiin ah oo aad u culus loo dhigay ciidamada Kenya.
Kamiinka oo uu qeyb ka ahaa qarax culus ayaa basbeeliyay gaari hamar ah oo ay saarnaayeen ciidamada Kenya.
Ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada Kenya ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda, waxaana weerarka fuliyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa ku daba feylaya silsilado weeraro ah oo sii xoogeystay maalmahan, kuwaasoo ciidamada Mujaahidiinta la beegsanayaan Shisheeyaha kala duwan ee duulaanka ku jooga dhulkeena Soomaaliya.