HomeAll newsMaxbuus Filastiini ah Oo ku geeriyooday Xabsi ay leeyihiin Yahuudda.

Maxbuus Filastiini ah Oo ku geeriyooday Xabsi ay leeyihiin Yahuudda.

 

Wararka ka imaanaya dhulka Filastiin ee ku jira gumeysiga Yahuudda ayaa xaqiijinaya in maxbuus Filastiini ah uu ku dhex dhintay mid kamid ah isbitaallada maamulka Yahuudda, kadib markii dhakhaatiirtu aaney siinin bukaankaas daryeelkii caafimaad ee uu u baahnaa.

War kasoo baxay Naadi ay ku mideysanyihiin maxaabiista Filastiiniyiinta ee ku jira gacanta maamulka Yahuuda ayaa lagu sheegay in maxbuus lagu magacaabo Saami Al-Camuur oo 39 sano jir ah uu ku dhintay isbitaalka Soorooka ee ku yaala koonfurta dhulka ay Yahuudu xooga ku heystaan.

Maxbuuska geeriyooday ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo deegaanka Dayr Al-Balax ee Jiidda Qazza, uuna xirnaa tan iyo sanadkii 2008-da, iyadoona lagu xukumey 19 sano oo xabsi ah.

Bayaanka kasoo baxay Naadiga ay ku mideysanyihiin maxaabiista Filastiin ayaa lagu sheegay in Saami uu u geeriyooday natiijo ka dhalatay siyaasadda dulmiga ku dhisan ee maamulka Yahuudda iyo dilka qorsheysan ee ka dhigan in dawada loo diido maxbuuska, si marka dambe uu ugu dhinto daryeel la’aan caafimaad awgeed.

Ka hor inta aanu geeriyoon, waxaa Saami laga soo saaray xabsiga Nafxa, iyadoona loo wareejiyay xabsiga Casqlaan, halkaas oo markii dambe looga sii qaaday isbitaalka uu ku geeriyooday.

Maamulka Yahuudda ayaa waxaa uxiran kumanaan ruux oo muslimiin Filastiiniyiin ah, kuwaasoo isuga jira rag, dumar , waayeel iyo xitaa caruur, waxaana ay la kulmayaan tacadiyaad iyo gabood fallo kala duwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular