HomeAll newsNidaamka Nasayriga iyo Ruushka oo jabiyey Xabad joojinitii la dhex dhigay iyaga...

Nidaamka Nasayriga iyo Ruushka oo jabiyey Xabad joojinitii la dhex dhigay iyaga iyo Mucaaradka.

Screenshot from 2016-02-29 09:12:31Iyadoo maalintii labaad ay galeyso waqtigii ay bilaabatay Xabad joojinta u dhexeysa Nidaamka iyo Kooxaha Mucaaradka, ayaa hadana waxaa muuqata in Ruushka iyo dabadhilifkiisa Bashaar aysan u hogaansamin Xabad joojintaas.

Diyaaradaha Nidaamka iyo kuwa Ruushka ayaa duqaymo xoogan oo Arxan darro ah waxay ka fuliyeen deegaano ay maamulaan kooxaha Mucaaradka, taas oo keentay dhimasha iyo dhaawac soo gaartay dadka Shacabka ah.

Deegaanada ay duqeymuhu ka dhaceen waxaa kamid ah Baabiis, Daara, cizza iyo kuwa kale, waxaana dhimashadu maalintii shalay oo kaliya ay maresya 18 Ruux, waxaana kamid ah meelaha la duqeeyey Xarakada Axraaru-Shaam oo kamid ah kooxaha Mucaaradka.

Madaxda kooxaha Mucaaradka ayaa ku qayla dhaaminaya in la joojiyo duqeymahaas ay Ruushku wadaan, waxaana muuqata in Reer Galbeedku aamusan yihiin maadaama ayba horey iskula soo gaareen iyaga iyo Ruushka waxa haatan socda, islamarkaana Xabad joojintuba ay tahay kaliya dhagar loo maleegayo dadka Muslimiinta.

Allah u naxariistee Sheekh Abii Yaxya Al-Liibi oo bilowgii kacdoonka Shaam fariin usoo diray dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Suuriya ayaa sheegay in Barnaamijaadka Siyaasiga ah ee ay Reer galbeedku wadaan ay yihiin Shirqoollo iyo mu’aamaraad aan wax dan ah ugu jirin dadaka Muslmiinta ah, waxaana uu sheegay iney soo kordhineyso oo kaliya dulli iyo ceeb dheeraad ah. cod

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular