HomeAll newsQorshe La'aanta Dagaalka Maraykanka ee Soomaaliya iyo Kororka Awooda Al-Shabaab.

Qorshe La’aanta Dagaalka Maraykanka ee Soomaaliya iyo Kororka Awooda Al-Shabaab.

Sheekh Abuu Cubeyda oo la dardaarmaya Raggii fuliyay weerarkii Manda Bay ee Kenya.

Qorshe la’aanta dagaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab oo mareysa heerkii ugu sarreeyay ee dhanka awoodda, waa ciwaanka warbixin dheer oo uu daabacay mid kamid ah wargeysyada ugu caansan ee kasoo baxa dalka Maraykanka.

Wargeyska Newyork Times ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, duulaanka Maraykanka ee dalkan iyo sida Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sanado kadib ay ugu guuleystay iney ilaaliso jiritaankeeda, difaac adagna u noqoto muslimiinta bariga Africa.

Waxaxy warbixintu is dul taageysaa waxa keenay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab mustawihii ugu sarreeyay ee xagga awoodda iyo jiritaanka, iyadoo toban sano oo xiriir ah uu Maraykanka si qarsoodi ah iyo si muuqataba uu uga howlgalayo Soomaaliya.

“Bishii Novembar ee sanadkii hore, dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab waxay weerar nafhurnimo kala hortageen ciidamo isuga jira Soomaali iyo Ameerikaan, kuwaasoo duulaan kusoo qaaday deegaan u dhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasna waxaa lagu dilay tiro kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaalida, halka lagu dhaawacay sarkaal Ameerikaan ah oo katirsan CIA-da Maraykanka” ayay leedahay warbixinta uu daabacay wargeyska Newyork Times.

Sarkaalkan oo 54 sano jir ahaa, waxaa lagu magacaabaa Mykale Goodbye, wuxuuna ahaa khabiir horey uga tirsanaa ciidamada badda ee Maraykanka, markii dambena u wareegtay dhanka CIA-da.

Sida warbixintu tibaaxeyso, sarkaalka waxaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray howlgalka istish-haadiyada ah ee looga hortagay ciidamada huwanta ah, waxaana markiiba loo qaaday isbitaal Maraykanku ku leeyahay dalka Jarmalka, halkaas oo uu 17 maalmood kadib uu ku geeriyooday.

Wuxuu wargeysku leeyahay “ waxay ahayd geeridiisu khasaare naadir ah oo gaaray dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka kaga jiro Soomaaliya toban sano, kagana soo horjeedo faraca ugu hodonsan, uguna halista badan faracyada hoostaga Al-Qaacida. Wuxuu kaloo Goodbye daxiyo u ahaa dagaalka Maraykanka ee sii darnaaday tan iyo markii uu la kulmey weeraradii weynaa ee 11 Septembar, wuxuuna qorshaha dagaalkaas hadda ku socda gorfeyn aad u baaxad weyn” ayaa lagu yiri warbixinta Newyork Times.

Jawaabtii ugu weyneyd ee uu Maraykanku ka bixiyo duulaannadii 11 Septembar waxay ahayd in tobanaan kun oo askari u diro dalka Afqaanistaan, si halkasa looga ciribtiro Jihaadiyiinta, dalkana looga dhiso dowlad dimuqraadi ah, balse waa hadaf kusoo idlaaday fashil fooxlumo badan, markii Maraykanku isaga soo baxay dalkaas, sida uu sheegayo wargeyska.

Balse marka laga hadlayo Soomaaliya iyo dalalka lamidka ah sida Yemen iyo Suuriya, waxa uu Maraykanku ciyaaray taaktikooyin kala duwan, isagoo iska ilaaliyay in ciidamo badan ku faafiyo wadamadaas, taas bedelkeedana wuxuu howlgeliyay shabakado jawasiis ah, isagoona qaaday weeraro abaabulan oo qaarkood loo adeegsaday diyaaradaha Dronesta, sida ay warbixintu tilmaameyso.

Wuxuu qorshuhu ku billowday in la ugaarsado xubno katirsan Al-Qaacida, markii dambena wuxuu noqday dagaal furan oo ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyo in la dhiso awood ciidan oo ka kooban malleeshiyaad Soomaali ah, kuwaasoo fuliya danaha Maraykanka ee dalkan.

Si lamid ah fashilka Afqaanistaan, waxay Newyork Times ku doodeysaa inuu fashilmey qorshihii Maraykanka ee Soomaaliya, sababo ku aadan iyadoo Maraykanku xaliif ka dhigtay xukuumad taagdaran, caalamka oo idilna uu ogyahay iney hormuud ka tahay musuq maasuqa, sidoo kalena wajahayesa maja xaabin adag oo gudaha, waxaana intaas sii dheer khaladaadka ay ku kacday dowladda Maraykanka, sida duqeymaha loo adeegsanayo diyaaradaha duuliye la’aanta ah oo gallaaftay nolosha dad shacab ah.

Warbixintu waxay leedahay “ natiijooyinka arimahaas ka dhashey waxaa kamid ah in Xarakada Al-Shabaab ay maanta ku jiro xaalad midii ugu wanaagsaneyd, dagaalyahannadeeda iyo hogaamiyaasheedubu waxay si xurriyad leh isaga dhex goosahayaan deegaannada baadiyaha, cadowgoodana waxay ku beegsanayaan magaalooyinka, waxayna maamulayaan oo ay kala hagayaan dowlad dhameystiran o oleh garsoorkeeda iyo maxaakimteeda” ayay tiri Newyork Times.

Sida muuqata Xarakada Al-Shabaab waxay leedahay qorshayaal ka dhan ah Maraykanka, sanadkii 2019-kana waxaa dalka Filibbiin lagu qabtay dagaalyahan katirsan Al-Shabaab, kaasoo ku howlanaa barashada sida loo kaxeeyo diyaaradaha, si loo fuliyo weerar lamid ah kii 11 Septembar.

Hase yeeshee dadka dhaleeceeya siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya, oo ay kamid yihiin saraakiil ciidan waxay tilmaamayaan iney ka badbadin ku jirto in Xarakada Al-Shabaab ay howlgallo ka fuliso gudaha dalka Maraykanka, siyaasadaha Washingtonna ay sii xoojinayaan oo keliya Jihaadiyiinta ku howlan iney jab gaarsiiyaan Maraykanka.

Masuuliyiinta maamulka Biden oo ay soo xiganeyso warbixinta waxay diidanyihiin fashilka siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya, balse waxay qirsanyihiin iney jiraan dal daloollo ay leedahay siyaasadda ay ku wajaheen Soomaaliya, waqtiyada dhow ee soo socdana daaha laga rogi doono qorshayaal cusub oo uu Maraykanku ka damacsanyahay Soomaaliya.

Sida ay warbixintan cusub ee uu daabacay wargeyska Newyork Times tilmaameyso, waxa uu Maraykanku ka laba labeynayay in ciidamo uu u diro Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay dhacdadii caanka ahayd ee lagu soo riday diyaaraddii Black Hawk ee sanadkii 1993-dii, markaas oo Maraykanka Muqdisho looga dilay sida uu isagu qirtay 18 askari oo Ameerikaan ah.

Dhacdaadaas kadib wuxuu Maraykanku ka jilba laabtay Soomaaliya, toban sano kadibna wuxuu billaabay in ciidamo tiro yar usoo diro dalkan, ugu dambeynna wuxuu soo diray diblumaasiyiin ku owdan dhismaha safaarad daaqado la’aan ah oo loo dhisay qaabka xabsiyada, taasoo ka furan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, shaqaalahana uma soo baxaan banaanka, cabsi ay ka qabaan awgeed iney la kulmaan musiibo kale oo lamid ah tii qabstay 1993-dii.

Hadda ugu yaraan 100 askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo howshoodu ku koobantahay sirdoonka iyo taageerada ciidamada Soomaalida, madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaana ugu yaraan 700 askari u daabuley xuduuda Kenya iyo Jabuuti.

“ Inkastoo howllo kala duwan oo ay kamid tahay maqaayado cusub oo la furo ay ka jiraan xeebta magaalada Muqdisho, wax yar oo horumar ahna laga dareemayo caasimadda, hadana horumarkaas maahan mid caga badan ku taagan, marka laga hadlayo siyaasiyiinta Soomaalida oo kala jabay, iyo tusaalaha Dhaalibaanta Afqaanistaan, taasoo ku riixeysa Al-Shabaab iney ku bishaareystaan inuu soo dhowyahay waqtigii ciidamada Shisheeyaha isaga bixi lahaayeen dalka, talada wadankana ay iyagu gacanta ku dhigi doonaan” ayay leedahay warbxiinta lagu daabacay Newyork Times.

Cabdil Xakiim oo horey usoo noqday la taliye dowladeed, wargeyskana la hadlay ayaa leh “ waxaa markale laga dhawaajiyay gambaleeladii digniinta ee cabsida badnaa”.

Stephen oo ah safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya ayaa isagana wuxuu tilmaamayaa in masiirka uu ku dambeeyay dalka Afqaanistaan u una tusinayo in wax weliba ay si lama filaan ah isku bedeli karaan, hase yeeshe wuxuu sheegay In Soomaaliya aaney heysan waqti la dayaci karo.

Turanturada iyo fashilka ku yimid siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya waxa uu wargeyska Newyork Times u daliishanayaa qissada sarkaalka CIA-da katirsanaa ee Goodbye, kaasoo lagu dilay weerar weerar celin ah oo ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxay ku tilmaamtay sarkaalkaas inuu kamid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Neavy Seal, todobaadyo kadib weeraradii 11 Septembarna kasoo shaqeeyay Afqaanistaan, sidoo kalena kasoo howlgalay saldhigii kumeel gaarka ee CIA-du ka furatay hotelka Ariyana ee magaalada Kaabul ee caasimadda Afqaanistaan.

Waxay kaloo warbixintu tilmaaeysaa in Goodbye uu ku biiray guutada koowaad ee Ommoga, oo ahayd guuto qarsoodi ah oo loo xil saaray dabagalka Sheekh Usaama bin Laadin iyo hogaamiyaal kale oo katirsan Mujaahidiinta.

Qaar kamid ah saraakiishii iyo ciidamadii lasoo shaqeeyay sarkaalkan katirsan CIA-da ayuu wargeystay wargeyska Newyork Times, kuwaasoo u sheegay wargeysku in Goodbye uu ahaa sarkaal firfircoon oo kaalin adag ka qaatay waxa loogu yeero la dagaalanka argagaxisada.

Kadib markii uu howlgabka noqday sanadkii 2009-ka, wuxuu Goodbye ku biiray garabka milliteri ee CIA-da, kaasoo ah guuto ka kooban 200 oo askari, ahna raaca hore ee CIA-da, soona sahmiya wadamada fog fog, ugu dambeyntii shaqada uu hayay ayaa kasoo riday Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay.

Warbixinta Newyork Times waxay tilmaameysaa in tobankii sano ee hore ee qarniga 21aad ee miilaadiyada, saraakiil katirsan dowladda Maraykanka ay hogaamiyeen howsha dib ugu soo laabashada Maraykanka ee Soomaaliya, kuwaasoo si xiriir ah diyaarado uga duulayay magaalada Nairoobi ee caasimadda Kenya, kana degayay garoon macmal ah oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho, iyagoo wata boorsooyin lacag ah ayay dagaal oogayaashii SOomaaliya waxay kala hadleen iney ka saacidaan baacsiga AlQaacida.

Laakiin howlgalkii Maraykanka wuxuu keenay natiijo ka duwan tii laga filayay, markii colaada ay shacabka u hayeen hogaamiye kooxeedyada ay keentay iney taageeraan maxkamadihii islaamiga, kuwaasoo sanadkii 2006-da muda kooban kula wareegay awooddi dalka, sida ay tilmaameyso warbixinta.

Sanad kadib, waxaa soo shaac baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, howlgalkii Maraykanka ee saldhigiigu ahaa Kenyana waxaa loo soo raray Muqdisho, saldhig qarsoodi ah ayayna ka furteen garoonka diyaaradaha ee caasimadda, iyagoo qortay jawaasiis badan oo Soomaali ah, Maraykankana wuxuu si toos ah ugu soo biiray dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayay leedahay warbxiinta lagu daabacay wargeyska Newyork Times.

Waxay tilmaameysaa warbixinta iyo jawaasiita u shaqeysa Maraykanka iyo dowladaha kale ee Shisheeye ay isku qariyaan goobo aad loo adkeeyo amaankooda, kuna dhiiran Karin iney banaanka uga baxaan goobahaas.

Sanadkii 2009-ka, CIA-du waxay tababartay ciidan loogu magacdaray Gaashaan, kuwaasoo markii dambe noqday ciidamo si gaar ah u tababaran, awoodna u leh iney adeegsadeen qalabyo lagu tix raaco taleefannada gacanta, mid kamid ah saraakiisha tababartay ciidankaasna waa Goodbye, oo lagu dilay weerar Istish-haadiyo ah oo bishi Novembar ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Warbixinta ayaa tilmaameysa ayaa marba marka ka dambeysa ay sii kordheyso awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wixii ka dambeeyay 2008-diina ay Xarakadu noqotay jamaacada ugu awoodda badan ee Soomaaliya ka dhisan, waxaana safkeeda ku biiray kumanaan askari, hogaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna waxay cambaareeyeen falal dembiyeedyada uu Maraykanku u geysanayo muslimiinta caalamka, isla sanadkii 2008-diina wuxuu Maraykanku ku daray liiska argagaxisada, Al-Shabaab ayaana 2012-ka si toos ah ugu dhawaaqay iney ku biiraan Jihaadka caalamiga ah ee ay hogaamineyso Al-Qaacida.

“ Hadafka guud ee Xarakada Al-Shabaab waa in dowlad islaami ah laga taagaa Soomaaliya, deegaannada ay ka taliyaanna waxay mamnuuceen dhageysiga heesaha iyo daawashada aflaamta anshax xumada ah, waxayna oogeen xuduuda ay Shareecada Islaamka duldhigtay falalka zinada, xatooyada iyo dambeiyada kale ee lamidka ah” ayay leedahay warbixinta lagu daabacay Newyork Times.

Inkastoo Maraykanka dadaallo ballaaran ku bixinayo inuu ishortaago Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, hadana Al-Shabaab waxay ku guuleystay iney la qabsato xaaladda markaas heysata, baadiyaha ayayna isku fidisay, waxaana adkaatay in la ugaarsado, waxayna dhiseen dowlad sal adag leh o oleh xeerarkeeda iyo nidaamkeeda” ayay sii raacisay warbixinta Newyork Times.

Sida warbixintu tilmaameyso, waxay awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab usoo gudubtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna beegsadeen xarunta baarlamaanka iyo xubnaha laamaha amniga.

Taas bedelkeed, waxay warbixinta Newyork Times tibaaxeysaa iney fashilantay Dowladda federaalka ee uu reer galbeedku tabantaabiyo, sababo ku aadan siyaadda qabyaalada ku dhisan ee 4.5-ka iyo musuq maasuqa, kuwaasoo is hortaagtay dadaallo lagu mideyn lahaa laamaha amniga ee Dowladda federaalka oo lagu tilmaamo iney tahay dowladda ugu musuq maasuqa badan caalamka.

Warbxiinta Newyork Times waxay kaloo ka dhawaajisay arin ay sanadihii u dambeeyay aad usoo celceliyaan warbaahinta reer galbeedka iyo xarumaha diraasaatka, taasoo ah in shacabka Soomaaliyeed ay ku qanacsanyihiin garoorka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“ Dad badan oo Soomaali ah waxay qadarin iyo qiimeyn u hayaan adeegyada ay bixiso Xarakada Al-Shabaab, xitaa reer Muqdisho waxay door bidaan in khilaafaadka soo kala dhexgala ay ku kala baxaan maxaakiimta islaamiga ah ee Xarakada Al-Shabaab, ee ay ka hirgeliso deegaannada baadiyaha ee u dhow magaalada caasimadda ah” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Newyork Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka.

Cabdi Rizaaq Muxammad oo ah xubin katirsan baarlamaanka Dowladda federaalka, wargeyskana la hadlay ayaa wuxuu leeyahay “ haddii aad u xukun tagto maxkamadaha Dowladda kama heleysid wax cadaalad ah, musuq maasuqa ayaa cirka maraya, garsoorayaashuna ma awoodaan iney meel mariyaan go’aannadooda, balse Xarakada Al-Shabaab way awoodda iney meel mariso xukunnada ay rido”.

Marar badan waxay reer Muqdisho ku safraan gawaarida dadweynaha ee baska, iyagoo u xukun tagaya maxkamadaha islaamiga ah ee ay hirgelisay Xarakada Al-Shabaab, kumana kalsoona maxkamadaha Dowladda federaalka, ayay leedahay warbixinta.

Marka laga hadlo awoodda ciidan ee Dowladda federaalka, wuxuu sarkaal ameerikaan ah oo la hadlay wargeyska sheegayaa in ciidamada Soomaalida ee diiwaan gashan ay tiradoodu gaareyso 24 kun, balse marka waaqica loo yimaado ay yihiin oo keliya shan meelood hal meel tiradaas.

Wargeyska oo soo qaadanaya howlgallo guuleystay oo ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa leh “ si lamid ah Afqaanistaan, ololihii dagaalka Maraykanka ee Soomaaliya waa la maajaxaabiyay, sababo ku aadan khaladaad waaweyn oo uu Maraykanku ku kacay”.

Qeyb kamid ah khaladaadkaas oo ay warbixintu soo bandhigeysa waa in ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya ay dileen dad shacab ah oo ay kamid yihiin caruur iyo haween, kuwaasoo Maraykanku ku tilmaamay iney yihiin dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“ Inkastoo xaalaad naadir ah uu ciidanka Maraykanku ku qasbanaaday inuu qirto in howlgallo uu ka fuliyay Soomaaliya ku diley dad shacab ah, hadana ma bixin wax magdhow ah, si ka duwah Afqaanistaan iyo Ciraaq, halkaas oo uu Maraykanku sanadkii 2019-ka oo keliya ku bixiyay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar oo ahayd magdhowga dad uu Maraykanku diley, kuwa uu dhaawacay iyo hanti uu baaba’iyay” ayay leedahay warbixinta lagu daabacay wargeyska Newyork Times.

Wargeysku wuxuu farriin xagga Email-ka ah oo la xiriirta waxa sababay in dadka Soomaaliyeed ee uu Maraykanku diley aanan la siinin wax magdhow ah u diray haweeneyda lagu magacaabo Nikkol, oo ah afhayeennada ciidamada Africom, waxayna ku jawaabtay in masuuliyiinta Soomaalida ay kala hadleen arinta la xiriirta magdhowga, iskuna waafaqeen dhamaan arimaha la xiriira magdhowga.

Warbixinta waxay kaloo tilmaameysaa in ka cararka Maraykanka uu ka cararayo in ciidamo looga dilo Soomaaliya uu horseeday iney aad ugu tiirsanaadaan shirakadha calooshood u shaqeytayaasha, oo ay ugu caansantahay shirkadda Bankrafta, waxayna ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah kasoo kireystaan Yurubta bari, Afrika, iyo Faransiiska, si ay ugu tababaraan ciidamo gaar ah.

Masuul aan magaciisa lasoo xigan ayaa ku tilmaamaya Soomaaliya iney kamid tahay meelaha ugu wanaagsan caalamka ee ay calooshood u shaqeytayaashu ka helaan lacago badan.

Masuuliyiinta Maraykanka ee katirsan maamulka Biden waxay sheegayaan in xaaladda cakiran ee Soomaaliya ay ka dhalatay khaladaad uu sameeyay maamulkii hore ee Trump.

Sida laga dheehan karo saraakiisha Maraykanka ee la hadlay wargeyska, wuxuu Maraykanku dareensanyahay in weerarada uga imaanaya dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sababtooda ugu weyn keenayaan faragelinta Maraykanka ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ninka lagu magacaabo Kabtan Rorbakh ayaa leh “ haddii Xarakada Al-Shabaab ay halis ku heyso amniga Maraykanka, waxaa keenaya joogitaankeena Soomaaliya”.

Dadka wax taxliiliya ee Ameerikaanka ah waxay sheegayaan in Maraykanka ay la gudboontahay in siyaasad cusub uu ku wajaho Soomaaliya, taasoo ka duwan siyaasadihii hore, waxaana talooyinka ay soo jeedinayaan kamid ah in Maraykanku wadahadal la galo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, haddii ay taasi dhici weysana Jihaadiyiinta ku sugan Soomaaliya ay geli doonaan dagaal masiiri ah oo keeni doono natiijooyin aan la mahdin oo argagax leh, marka loo eego dhanka Maraykanka iyo danihiisa.

Warbixintan uu daabacay wargeyska Newyork Times waxay ku daba feeleysaa silsilado warbixinno iyo diraasaad ah oo sanadihii u dambeeyay ay soo saarayaan warbaahinta Maraykanka iyo maraakiizta diraasaatka ee reer galbeedka, kuwaasoo isku raacay in awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka jihaada bariga Africa sii kordheyo, taas bedelkeedana uu Maraykanku ku fashilmay Soomaaliya, dowladdii uu soo dhoo dhoobeyna ay ka badin la’dahay iney dhexdeeda isku durduriso.

Halkan ka dhagayso Warbixin Qorshe la’aanta dagaalka Maraykanka ee Soomaaliya iyo Korarka Awoodda Al-Shabaab

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular