Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay arin la yaab leh oo muujineysa sida loo qiimo beeliyay dhiiga qofka muslimka ah.
Askari katirsan Ciidamada Dowladda federaalka ayaa toogtay wiil dhalinyaro ah oo kaxeynayay mooto laba lugaaley, kadib markii uu ku amray inuu siiyo lacag baad ah oo dhan 10 kun shilin Soomaali, halka wiilka darawalka ah sheegay inuu heli karo 5 kun shilin soomaali ah.
Dilka kadib waxaa goobta isugu soo baxay dadweyne careysan, kuwaasoo sheegay iney aad uga xunyihiin waxa dhacay, codsadeyna in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglaha.
Muqdisho iyo meelaha lamidka ah waxaa sidan uga dhaca dilal bareer ah oo askarta Dowladda federaalka ah u geystaan dadweynaha, iyagoo inta badan ku qabsada lacago baad ah oo aan qiimo badan ku fadhin.
Halkan ka dhagayso Nin-10-kun-shilin-Soomaali-dartiis-loogu-diley-Muqdisho.