HomeAll newsInkabadan 15 askari Oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Howlgallo ka dhacay...

Inkabadan 15 askari Oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Howlgallo ka dhacay Afgooye.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar cagmarin ah ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus waxaa lagu qaaday saldhig ay ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin Haanta dheer ee degmada Afgooye, waxaana dagaalku ahaa mid culus.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka waxay soo gaareen goobtii xalay la weeraray, waxaana la kacay qarax aad u culus.

Isu geynta tirada ciidamada Dowladda federaalka ee lagu dilay howlgallada kala duwan ee ka dhacay Afgooye waa dhimashada 10 askari iyo dhaawaca 6 kale, kuwaasoo dhamaantooda katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Waxaa sidoo kale jira howlgallo kala duwan oo ka dhacay qeybo kamid ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Halkan ka dhagayso Inkabadan-15-askari-oo-dhimasho-iyo-dhaawac-ku-noqday-howlgallo-ka-dhacay-Afgooye

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular