Dowladda Itoobiya ayaa sii wada duqeymaha xoogan ee ay ku garaaceyso magaalada Maqalle oo ah caasimadda Tigreega, halkaas oo ay bilihii lasoo dhaafay la wareegeen ciidamada jabhadda TPLF.
Qaramada Midoobay ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay iney hakisay labada safar ee labadii todobaadba ay ku tagi jireen shaqaale katirsan Qaramada Midoobay magaalada Maqalle sababo ku aadan duqeymaha halkaas ka dhacaya.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay qeybteeda waxa loogu yeero gargaarka banii aadamnimada ayaa sheegay in diyaarad ka duushey garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis Ababa kuna sii jeeday magaalada Maqalle ay ku qasbanaatay iney kusoo noqoto Adis Ababa, kadib markii ay soo baxday in duqeyn xoogan ku socoto magaalada Maqalle.
Maalintii shalay oo Jimco ahayd ayay diyaaradaha Itoobiya waxay duqeyn xoogan ku garaaceen magaalada Maqalle ee caasimadda Tigreega, waxana tani lagu tilmaamay iney tahay duqeyntii afaraad oo maalmo gudahood marti geliso magaalada Maqalle, loona adeegsado diyaaradaha Drones-ta.
Waxay arintani kusoo aadeysaa iyadoo gobolka Amxaarada ee deriska la ah Tigreega ka socdaan dagaallo aad u xoogan oo dhexmaraya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigreega, waxaana dagaalladu yihiin kuwa la isku hilboobay oo marba ay qolo guusha raaceyso.
Abey Axmed ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa u muuqda nin ay ka go’antahay inuu la dagaallamo Tigreega illaa askariga ugu dambeeya ee ciidankiisu noolyahay, waxaana uu dhegaha ka fureystay baaqyo badan oo uga yimid dhinaca dowladaha reer galbeedka oo ay ku jirto Maraykanka.