Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaas ay ka socdaan dagaallo culus oo dhexmaraya ciidamada maamulka Galmudug oo taageero ka helaya kuwa Dowladda federaalka iyo kooxda Suufiyada oo dhinac ah.
Dagaallada ayaa ah kuwa xoogan oo la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana magaalada ka barakacay qoysas badan oo dhawaanahan deganaa.
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkii u dambeeyay labada dhinac isku bir tumanayeen, waxaana gudaha magaalada galay ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.
Hadba wixii kusoo kordha dagaalladan idin kugu soo gudbin doonnaa wararka iyo barnaamijyada idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan.