
Deegaan hoostaga degmada Kurtun waarey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay yeesheen wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose iyo beesha Jiide.
Kulanka ayaa waxaa lagu xallinayay mad madow ka dhexeeyay beesha Jiida dhexdeeda, kaasoo ay ku baxday wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose.
Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose Sheekh Cabdi Samad Abuu Cabdi-Raxmaan ayaa ka qeybgalay kulanka, waxaana goobta uu ka jeediyay kalimad dardaaran ah.
Halkan ka dhagayso Kulan muhiim ah oo ay yeesheen beesha Jiide iyo wilaayada Shabeellaha Hoose