Wararka ka imaanaya magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay ayaa tilmaamaya in weerar madaafiic ah lagu garaacay saldhig ay ciidamada Xabashida ku leeyihiin degmadaas.
Duqeynta oo ahayd mid xoogan ayaa lasoo warinayaa in madaafiicda oo gaareysay illaa 9 ay gudaha ugu dheceen saldhiga ciidamada Xabashida ee Buur Hakaba.
Ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay duqeynta, iyadoona lasoo warinayo in teendhooyin dhowr ah ay guteen.
Ciidamada Xabashida ee ku sugan gobollada dalka Soomaaliya ayaa si joogta ah waxay ula kulmaan weeraro uga yimaada dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Itoobiya ayaana kamid ah dowladaha duulaanka ku yimid Soomaaliya.