HomeAll newsWakiilkii Maraykanka ee Afqaanistaan Zalmaay Khaliil Oo Is casilay.

Wakiilkii Maraykanka ee Afqaanistaan Zalmaay Khaliil Oo Is casilay.

 

Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inuu is casilay wakiilkii Maraykanka u qaabilsanaa arimaha dalka Afqaanistaan.

Antony Blinkin oo ah xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in Zalmaay Khaliil wakiilkii dowladda Maraykanka ee arimaha Afqaanistaan uu xilkiisa iska casilay.

Waxaa hadda xilkaas qabtay nin lagu magacaabo Tomas West oo kamid ah diblumaasiyiinta wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Maraykanka.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Zalmaay Khaliil uu iska casilo xilka uu ka hayay wasaaradda arimaha dibadda ee ahaa wakiilnimada arimaha dalka Afqaanistaan.

Zalmaay Khaliil waxaa xilka uu hadda iska casilay u magacaabay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, waxaana uu ahaa ninkii Maraykanka u saxiixay heshiiskii dhexmaray Imaarada islaamiga ah iyo dowladda Maraykanka kaasoo horseeday in Maraykanku isaga baxo guud ahaan dalka Afqaanistaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular