HomeAll newsDagaallo Culus oo Ay Boqollaal Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Itoobiya.

Dagaallo Culus oo Ay Boqollaal Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Itoobiya.

Wararka laga helayo dagaalada dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in Kahmiistii iyo Jimciii lasoo dhaafay ay si daran isku fara saareen ciidanka milatariga xukuumadda Abiy iyo kuwa Tigre.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay guluf qaadeen ciidamada Itoobiya ayna weerareen fariisimayaasha ay Tigree ku leeyihiin dhulka Amxaarada.

Dagaalkan oo qeybihiisii hore ay foodda is galiyeen ciidamada dhulka ee labada dhinac ayaa waxaa markii uu cuslaaday kusoo biiray diyaaradaha Itoobiya.

Wakaaladda wararka ee a yiraahdo AFP oo wax ka qortay dagaaladan ayaa waxay sheegtay in labada dhinac ay ku hardameen degaano dhowr ah oo ka tirsan dhulka Amxaarada.

Sidoo kale, dadka Itoobiyaanka ah ee xogaha dagaalka soo gudbiya ayaa waxay tibaaxeen in dagaaladii dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku dhinteen boqolaal labada geesood ah, inkastoo aan wali la ogaan tafaasiisha hoose ee ku saabsan qolo walba iyo wax sida gaarka ah u gaaray.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya waxay markii todobaad shalay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah tigreega iyo guluf ballaaran oo ay sheegtay iney ku dooneyso iney ku qabsato magaalooyinkooda.

Sidoo kale TPLF, ayaa waxay dhankooda sheegeen iney iska caabiyeen ciidanka Itoobiya oo u adeegsaday diyaarado cirka wax ka duqeeya, waxayna sheegeen ineysan wax saameyn ah ku yeelan ciidankooda iyo dhufaysyadooda, iyagoo xusay ineysan diyaaraduhu awood u lahayn iney dhul xoreeyaan.

Dagaaladan ayaa waxay kusoo beegmeen iyadoo dowladda Itoobiya ay todobaadyadii lasoo dhaafay waday xaflado u muuqday kuwa uu niyadda ku dhisanayo Abiy Axmad oo wajahaya culesyo dibadda iyo gudahaba isugu jira.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular