HomeAll newsMaamulka Puntland: Macallinkii Canshuurta bixin waaya waa Al-Shabaab.

Maamulka Puntland: Macallinkii Canshuurta bixin waaya waa Al-Shabaab.

Wasiirka maaliyadda maamul goboleedka Puntland

Maamul goboleedka Puntland oo kamid ah maamullada uu Shisheeyuhu ka dhisay dalka Soomaaliya ayaa hanjabaad culus u diray macallimiinta wax ka dhiga goobaha waxbarashada ee ku yaala deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Ninka lagu magacaabo Xasan Abgaal oo ah wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland ayaa sheegay in macallinkii bixin waaya canshuur uu ula mid yahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wuxuu hadalkan jeediyay isagoo booqasho ku marayay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Arimaha la yaabka leh waxay tahay in maamulllada Shisheeyaha ku daaban ee dalka ka jira ay cid weliba oo ay doonayaan iney dulmiyaan ku shaabadeeyaan eeda ah iney katirsan tahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ama ay ula mid tahay.

Lacagaha canshuuraha lagu sheegay ee laga qaado dadka ayaan jirin wax muuqda oo loogu qabto.

Halkan ka dhagayso Maamulka-Puntland-oo-macallimiinta-u-hanjabay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular