Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kana howlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa fuliyay howlgal cajiib ah.
Howlgalkan gaarka ah oo ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa lagu dilay 2 sarkaal oo katirsan Dowladda federaalka.
Saraakiisha howlgalka lagu beegsaday waxaa lagu kala magacaabaa Xasan Dacar iyo Cali Dahab, waxaana midkood laga furtay bastoolad uu watay.
Dhacdadan lagu dilay saraakiishan katirsan Dowladda federaalka waxaa aad looga hadal hayaa degmada Wadajir, iyadoona dadku si gaar ah u hadal hayaan sida sahlan ee ciidamada Mujaahidiinta ugu suuragashey fulinta howlgalkan.