
Waxaa galabta degmada Jamaame ee wilaayada Jubbooyinka ka dhacay xukun xadurido ah oo lagu fuliyay laba ruux oo lagu kala eedeeyay sixir iyo kamid noqoshada ciidamada DF.
Cabdullaahi Xassan Cumar oo ahaa ninka lagu eedeeyay sixirka ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay inuu muddo kusoo shaqeysanayay, waxaana lagu xukumay dil, iyadoo qaadigu uu soo bandhigay adillooyinka loo cuskaday xukunka.
Sidoo kale, Maxamad Mowliid Aadan oo isna kamid ahaa ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland ayaa fagaaraha lagu toogtay kaasoo ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab gacanta kusoo dhigeen isagoo gaari saaran.
Kumannaan dad weyne ah ayaa usoo daawasho tagay xukunnadaan kuwaasoo markii la fulinayay ku dhawaaqayay takbiirta (Allaahu Akbar) Sixirka ayaa dhib badan ku haya wadanka, dhulka ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab ayaana ka jira meel saaxirka maxkamad lagu hor keeni karo.